Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Laftagareen: “Waxaa jira dad aan jecleyn horumarka shacabka reer Koonfur Galbeed”

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Max’ed (Laftagareen) ayaa sheegay in Maamulkiisa uu ku tallaabsaday sanadkii uu joogay horumar ballaaran, isla markaana ay jiraan dowlado taageero u balan qaaday.

Lafta gareen ayaa intaas ku daray in safar uu dhawaan ku tegay dalka Jabuuti loo balan qaaday in dowladda Jabuuti ay ka qeyb qaadan doonto qalabeynta iyo dhismaha Isbitaalka Magaalada Marka iyo dekadda degmada Baraawe oo ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Madaxweyne Laftagareen ayaa xusay inay jiraan dad aan jecleyn horumarka Reer Koonfur Galbeed, hase yeeshee aan dheg jalaq loo siin doonin.

Laftagareen ma sheegin kuwa ay yihiin dadka aan jecleyn horumarka Reer Koonfur Galbeed.

Shacabka ku dhaqan degaanada Koonfur galbeed ayuu ugu baaqay iney midoobaan meelna uga soo wada jeestaan cadowgooda, gaar ahaan Al-shabaab oo uu sheegay iney dhibaato badan ku heyso degaanada hoos taga maamulkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Amaanka oo Muqdisho ku qabtay Hub iyo maandooriye (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo Tacsi u diray Madaxweynaha Isra’iil niyadana u qaboojiyay

Cabdi Cade

Al Shabaab oo saakay Madaafiic ku garaacday Xerada Milatari ee Turkiga ka fureen Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---