Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahino ka soo baxaya dagaal culus oo ka dhacay duleedka degmada Baardheere

Dagaalo culus ayaa ka dhacay degaano hoos taga degmada Baardheere ee gobolka Gedo kaasoo dhexmaray ciidamada dowlada iyo xoogag taabacsan Al-shabaab.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidamada dowlada ay weerareen tuulada Baar Macalin iyo nawaaxigeeda oo Al-Shabaab ay ka waday ururinta xoolaha Sakawaatka.

Saraakiisha dowlada ee jooga Baardheere ayaa sheegay in howlgalkan ay fuliyeen ka dib cabasho ka timid dadka degaanka oo la xiriirtay xoolo ay sheegeen in Al-shabaab ay qasab uga qaateen.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaalkan Al-shabaab looga dilay qiyaastii toban nin, lagana soo soo celiyey xoolo fara badan oo ay sheegeen iney dhaceen.

Al-shabaab ayaa dhinacooda sheegay iney iska caabiyeen weerarka kaga yimid ciidamada dowlada, Mana jiraan warar madax banaan oo ka waramaya khasaaraha ka dhashay dagaalkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo taliye cusub u magacaabay ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha Somalia

Caydiid Ali

Abu Mohammed al-Golani oo eedeyn culus u jeediyey Israel

Caydiid Ali

Qatar oo la Sheegay in lacag badan ku bixibeyso joojinta Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---