Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Kim John Un oo Raisul Wasaaraha dowlada Japan ku tilmaamay qof doqon ah

Kuuriyada Waqooyi ayaa raisal-wasaaraha Japan ee Shinzo Abe ku tilmaantay inuu yahay qof doqon ah oo aan siyaasadda waxba ka ogeyn ka dib markii tijaabadii ugu dambeysay ee hubka Kuuriyada Waqooyi uu si khaldan u turjumay.

Ra’iisul wasaare Shinzo Abe ayaa cambaareeyay tijaabada gantaallada Kuuriyada Waqooyi kuwaasoo uu ku sheegay inaysan dhamaad laheyn.

Warbaahinta dalka Japan ayaa maanta oo Sabti ah sheegay inay Kuuriyada Waqooyi ay gantaal blastic ah riddadiisu dheer tahay ay hawadeeda ku tijaabisay.

Kuuriyada Waqooyi ayaa laga mamnuucay iney tijaabiso gantaallada blastikada ka dib markii ay xayiraad ku soo rogtay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Waxaana xukuumadda Piyongyang saaran cadaadis iyo cunaqabateenno la xiriira gantaallada ay sida isdaba joogga ah u tijaabiso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Muxuu Cumar Filish kala hadlay Masuuliyiinta degmooyinka Muqdisho?

Caydiid Ali

Madaxweyne Afrikan ah oo jabiyay sharci uu isagu bulshada ka wacyi galinayay in ay ilaaliyaan

Cabdi Cade

Shaki weyn oo ka dhashay Qunsulka cusub ee Itoobiya u magacowday Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---