Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Imaaraatka oo Go’aan kasoo saartay Ciidamadii ay Soomaaliya u tababarayeen

Dowlada Imaaraatka ayaa go’aansatay in ay jiijiso tababaradii iyo taageeradii ay siineysay ciidanka Milatariga Soomaaliya, kadib markii meeshii ugu xumeyd uu gaaray xiriirka labada dal u dhaxeeya

Wakaalada wararka u faafisa Imaaraadka Carabta  ee WAM ayaa shaacisay in dowlada Imaaraatka ay joojisay tababaradii iyo taageeradii ay siinayeen ciidanka kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa maamulka Puntland .

Dowlada Imaaraatka Carabta ayaa go’aankan qaadatay kadib markii ay ka carootay lacagtii ay boorsooyin ku wateren diblumaasiyiin Imaaraatka u dhashay oo dhawaan lagu qabtay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Wakaalada Wararka ee WAM ayaa sheegtay in dowlada Imaaraatka aad uga xumaatay sida ay u dhaqantay dowlada Soomaaliya, waxa ayna Wakaalada sheegtay in dowlada Imaaraatka tababar siisay in ka badan 2,400 oo askari.

Dowlada Imaaraatka Carabta ayaa Muqdisho iyo Puntland ku laheyd xeryo ay ku tababarto ciidanka Soomaaliya, waxa ayna Imaaraatka dhaqaale iyo agaba siiyeen ciidamada ay Soomaaliya u tababareen.

Imaaraatka ayaa Soomaaliya kala baxday qeyb kamid ah Saraakiishii tababareesay Ciidanka Kumaandooska Soomaalia, waxa ayna arintan cirka kusii shareertay xiriirka aan wanaagsaneyn ee labada dal u dhaxeeya.

Wasaarada Gaashanadhiga Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in uu dhamaaday heshiiskii ay Imaaraatka ku tababarayeen ciidanka Soomaaliya, waxa ayna Wasaaradu sheegtay in ciidankaasi ay si buuxda ula wareegayaan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaale oo tagay Dekadda Muqdisho waxna ka bedelay Go’aankii uu usoo saaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Dagaal gacan ka hadal ah oo ka dhacay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo kulan deg deg ah la qaatay Guddoonka sare ee Gobolka Banaadir

Cabdi Cade
Taboola Ads ---