Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal katirsanaa Ciidanka booliiska Soomaaliya oo galabta lagu dilay Muqdisho

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa galabta Degmada Yaqshiid ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen sargaal la sheegay in uu katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya.

Dilka sargaalkan oo magaciisa lagu sheegay Xasan Dheere  ayaa ka dhacay meel ku dhaw saldhiga booliiska degmada Yaqshiid, waxaana kooxihii dilka geestay si deg deg ah uga baxsadeen halka uu dilku ka dhacay.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya iyo Nabad sugida ayaa gaaray halka uu dilku ka dhacay, baaritaano ay sameeyeen ciidamada amaanka ayaana la sheegay in aysan kasoo bixin wax natiijo ah.

Magaalada Muqdisho waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheesan oo loo geesto ciidamada iyo shaqaalaha dowlada, waxaana inta badan baxsada dadka dilalka qorsheesan fuliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoraalo isir naceyb ah oo lagu qoray Masjid Soomaalidu ku leedahay Maraykanka (Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo Fariin adag u diray Jabhada TPLF ee qabsatay magaalooyin cusub

Cabdi Cade

Dowlada oo War kasoo saartay Weerarkii Hotel Afrik iyo Khasaaraha ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---