Allbanaadir.com
NEWS

Godkii ugu dheeraa oo dhulka hoostiisa ay ka qodeen Ururka Xamaas oo la bur buriyay

Maamulka Israa’iil ayaa sheegay in ay bur buriyeen godkii ugu dheeraa ee Ururka Xamaas ka qodaan dhulka hoostiisa, waxaaba godkan uu ka bilowday Waqooyiga Gaza waxa uuna gudaha u galayay dhulka Israa’iil xooga ku heesato.

Wasiirka difaaca ee Israa’iil Avigdor Lieberman ayaa sheegay in ciidankooda ay bur buriyeen godkii ugu dheeraa ee Ururka u dagaalama xureynta Falastiin ee Xamaas ka qodeen dhulka hoostiisa.

Israa’iil ayaa sheegtay in godkan dheer la qodayay tan iyo 2014-kii ee dagaalka Gaza, waxaana godkan Xamaas ka bilaabeen aggagaarka Jabaliya oo ku taallo waqooyiga Gaza waxa uuna godkan gaaray gudaha is raa’il gaar ahaan deegaanka Nahal Oz.

Maamulka Israa’iil ayaa horey u sheegtay in ay bur burisay ilaa 30-god oo laga qoday dhulka hoostiisa, waxaana godadkan Xamaas u adeegsanayeen in ay ku kala gudbistaan saanada Milatari iyo in ay ka weeraraan gudaha Israa’iil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo gaari qalabeysan ku wareejisay maamulka Khaatumo State

Cabdi Cade

Milateriga qabsaday xukunka dalka Gabon oo Magacaabay hogaamiye KMG ah

Caydiid Ali

Shirka Wasaaradaha Amniga iyo Taliyaasha Booliiska oo Kismaayo ka furmay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---