Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe iyo Ben Fender oo arimo xasaasi ah kawada hadlay (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaliya mudane Benfender ku qaabiley hoyga uu ka deganyahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Kulanka dhexmarey Madaxweynaha iyo safiirka ayaa laga wadada hadley xaalada guud ee dalka, Doorashada 2020/2021, Xiriirka Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada iyo arrinta ay DFS ahi ka wado qaar kamid ah degmooyinka gobolka Gedo.

Madaxweyne Axmed ayaa sheegay in nooca doorashada 2020/2021 loo baahanyahay inay noqoto mid dastuurka waafaqsan Soomaaliduna kuwada qanacsantahay, taas si loo xaqiijiyana ay u baahantaahay in loo maro wadada ugu munaasibsan ee ay bulshada Soomaaliyeed kuwada qanacsanyihiin, hor u socodka dalka iyo nidaamka dowladnimana laga dhex arki karo.

Safiirka Dowlada Ingiriiska ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xiriir wadashaqeyneed iyo isfahan rasmi ah ay gaaraan Dowlada federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, si horumar dhankasta uu dalku u gaaro doorasho loo wada dhanyahayna dalka uga dhacdo taas oo uu safiirku si gaar ah madaxweynaha uga codsadey inuu uga shaqeeyo sidii xalwaara looga gaari lahaa arrintaas.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa kawada hadley dhaqdhaqaaqyada  ay Dowlada federaalku ka wado gobolka Gedo, taas oo la isla qirey inay tahay faragelin  aan sal iyo raad kulaheyn dastuurka dalka cawaaqib xumada ka dhalatana ay masuuliyadeeda qaadeyso DFS,sida lagu yiri War-Saxaafadeed laga soo saaray kulankaas.

Ugu danbeyn safiirka dalka Ingiriiska ayaa madaxweynaha uga mahadceliyey sida Madaxweynuhu muhiimada gaarka ah u siiyey adkeynta amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab ee deegaanada Dowlad goboleedka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaarada Waxbarashada oo shaacisay amar ku socda xarumaha Waxbarashada

Caydiid Ali

Wasaaradda Waxbarashada oo amartay in la fasaxo goobaha waxbarashada ee kuyaalla Muqdisho

Cabdi Cade

Dowladda Turkiga oo qaaday Tallaabooyin aan farxad gelin Waddamada Reer Galbeedka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---