Allbanaadir.com
NEWS

Musuq maasuq xoogan oo ka dhacay Xerada Ciidamada Balli-Doogle iyo baaris lagu bilaabay

Saraakiil katirsan ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaan Danab ayaa lagu eedeeyay in ay ku kaceen musuq maasuq iyo dayac, waxaana la bilaabay baaritaano lagu ogaanayo musuqa dhacay inta uu la egyahay.

Sida aan xogta ku helnay saraakiil iyo ciidamo katirsan Danab ee ku sugan xerada ciidamada cirka ee Balli-Doogle ayaa ku dhaqaaqay musuq maasuq gaar ahaan in ay iibsadaan hub iyo agab kale oo ciidanka lahaayeen.

Xerada waxaa tagay saraakiil katirsan Maxkamada ciidamada qalabka sida si ay baaritaano ugu sameeyaan musuq maasuqa dhacay, waxa ayna xerada kula kulmeen saraakiil katirsan ciidanka kumaandooska Soomaaliya.

Xeer Ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in uu dhacyo isla xisaabtan, waxa uuna cadeeyay in aan la isku deyn doonin musuqa dhacay isagoona ka codsaday saraakiisha iyo ciidanka in hadaba banaanka keenaan waxii ay musuqeen.

” Isla xisaabtan ayaa dhici doona, la isku deyn maayo waxaasi suurto galna maahan ,ninkii hadaba ku tala galay waxaa fiican waxaad heyso aad qarisay in aad keento, bahasho ciyaar waa dhaaftay , waayo qofka hadii damiirkiisu xukumi waayo usha ayaa lagu xukumaa, laakin danab lagama fileyn waxaaas dhacay” ayuu yiri xeer ilaaliyaha Makamada ciidamada

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koobaad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in ay dambi tahay in ciidanka iyo saraakiisha ay lumiyaan hantida ciidanka iskaba daa in ay xadaan.

Gudoomiyaha Maxkamada ayaa sheegay in kiiska saraakiisha musuqa lagu tuhmayo Maxkamada ciidamada ku qaadeyso gudaha xerada Balli-Doogle, waxa uuna tilmaamay in saraakiisha iyo ciidanka dambiga lagu helo iyaga oo maxbuus ah xamar la geyn doono.

”In dayac kaaga lumaan hantida ciidanka dambi waaye hadada adiga gadato ood lunsato kawara, jabhada lala dagaalamayo adaaba markaas ka daran, hada kadib Xamar idinkama joogeyno halkaan ayaa la iskula xisaabtamaa, waxaan xerada dhaxdeeda uga tageynaa qeyb kiisaka diyaarisa, qof xukuman ayaa Xamar la geyhaa ama qof xor ah ayaa xeradan joogaya ” ayuu yiri Shuute.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee jooga Xerada Balli-Doogle ayaa waxaa tababara sarakaiil Mareykan ah, waxaana ciidankan lagu tilmaamaa kuwa ugu tayada fiican ee heesato dowlada federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Shariif oo ka hadlay Wararka sheegaya in Musharaxiinta Mudulood isku tanaasuleen

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geerida Xildhibaan Aadan Cali Xasan

Cabdi Cade

Maxbuus uu dhalay Masuul katirsan Dowladda Ruushka oo baxsaday Xilli Mareykanka loo..

Cabdi Cade
Taboola Ads ---