Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Cabdiraxmaan Maadey (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya kulan kula yeeshay  Gudoomiyaha cusub ee Xisbiga ONLF  Cabdiraxmaan Maadey iyo Xubno kale.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegtay in kulankan uu ahaa mid Axmed Madoobe ugu hambalyeenayay Gudoomiyaha cusub ee ONLF oo dhaaan lagu doortay doorasho ka dhacday gudaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Kulanka ayaa sidoo kale Axmed Madoobe iyo Maadey uga wada hadleen is xogwareysi dhanka siyaasadda geeska Afrika iyo iskuwadida bulshada dal iyo dibadba ayaa waxaa ay isla forfeeyeen sidii loo ilaalin lahaa isku duubnida ummada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo maalmahan ku sugan magaalada Nairobi ayaa halkaasi kulama kala duwan kula qaatay siyaasiyiin, Hay’adao iyo madax katirsan dowlada Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Rooble oo si weyn loogu soo dhaweeyay Kismaayo (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Duuliye ka dhergay qamri badan oo sabab u noqday in la baajiyo duulimaad Caalami ahaa

Cabdi Cade

Dugsi Quraan Online ah oo kuu haya fursado waxbarasho oo u gaar ah Qurba joogta iyo caruurtooda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---