Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Beesha Caalamka oo soo saartay war aysan ku farxin Maamulka Muuse Biixi

Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay ka walaacsan yihiin go’aankii uu Golaha Guurtida ee Somaliland 24-kii bishan muddo laba sano ah ugu kordhiyay waqtiga Golaha Wakiilada.

War-saxaafadeed ka soo baxay beesha caalamka ayaa lagu sheegay in heshiiskii ay xisbiyada Somaliland gaareen bishii July ee sanadkan uu ahaa mid ahmiyad leh oo lagu go’aamiyey in la qabto doorashooyinka xubnaha baarlamaanka iyo kuwa golaha deegaanka iyo in lagu heshiiyay in doorashooyinkaas lagu qabto sida ugu dhaqsa badan ee suurtogal ah.

“Waxaan ka walaacsanahay in dhacdooyinkan ay si aad ah u wiiqayaan heshiisyadaas taasi oo dhaawacaysa sumcadda dimuqraadiyadda Somaliland. Sidoo kale, waxaan si aad ah uga walaacsanahhay dhacdooyinka uu xarrigu ka mid yahay oo u muuqda kuwa aan sharciyad laheyn iyo xayiraadaha sii kordhaya ee xoriyadda hadalka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Si gaar ah ayaan uga walaacsanahhay go’aanka ay golaha Guurtidu muddo xileedkii ugu kordhiyeen labada aqal ee Baarlamaanka oo Golaha Wakiilada loo kordhiyay ilaa bisha January ee 2022-ka iyo Guurtida ilaa bisha January ee 2023-ka.”

“Labadan aqal ee loo aas-aasay iney matalaan shacabka reer Somaliland ayaa kuraastooda fadhiya muddo aad u dheer, taasi oo ka soo horjeeda heer kasta oo dimuqraadiyadeed ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka. Goleyaasha deegaanku waxay shaqeynayeen iyagoo aan haysan sharciyad ilaa bishii april ee sanadkan ayay sii raaciyeen hadalkooda.”

Qoraalkan ayaa lagu yiri, “waxaan ugu yeereynaa dowladda, iyo jilayaasha siyaasaddaba iney dib u xaqiijiyaan heshiisyadii soo jireenka ahaa, ayna la yimaadaan is-afgarad, iyo tanaasul si ay xal uga gaaraan jahwareerka siyaasadeed ee taagan islamarkaana suurtogeliya in doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka iyo kuwa golaha deegaankaba lagu qabto xilligii la qorsheeyey ee ah dhamaadka sanadka 2020-ka aysanna dhicin wax dib u dhigis ah.”

“Waxaan bogaadineynaa dedaalada dhexdhexaadinta ah ee soconaya, waxaana hoosta ka xarriiqeynaa in si aan u taageerno hanaanka doorashada, waa in ay ahaataa mid horumarineysa siyaasad loo dhan yahay iyo intiraam buuxa oo sharciga ah. Waxaa loo baahan yahay in la helo Guddi Doorasho oo hanta aamminaadda dhamaan dhinacyada siyaasadeed iyo midda shacabka Somaliland.” ayaa lagu yiri sidoo kale qoraalka beesha caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirkii Caafimaadka dalka Britain oo is casilay kadib Fadeexad weyn oo lasoo daristay

Cabdi Cade

(Sawirro) Deni oo kulan xasaasi ah la qaatay Saraakiil ka tirsan ciidanka Itoobiya

Caydiid Ali

Midowga Musharaxiinta oo Eedeyn culus u jeediyay Ra’isul Wasaare Rooble

Cabdi Cade
Taboola Ads ---