Allbanaadir.com
NEWS

Sharciga Doorashooyinka oo loo qeybiyay Xildhibaanada labada aqal (Daawo Sawirada)

Kulan wadajir ah ay maanta yeesheen Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa xildhibaanada labada aqal loogu qeybiyay sharciga doorashooyinka heer federaal oo dhawaan diyaarintiisa lasoo gabo gabeeyay.

Sharcigan doorashooyinka ayaa horey waxaa usoo gudbisay Xukuumada Soomaaliya ,hasa ahaatee guddi Xildhibaano ah oo loo saaray ayaa dib u eegis iyo wax ka beel meelaha qaar ku sameeyay sharcigan doorashooyinka heerka federaal.

Kulanka wadajirka ah ay maanta yeesheen Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka waxaa soo xaadiray illaa 186 Xildhibaan iyo Senator, waxaana si wadajir ah kulanka u shir gudoominayay gudoonka labada aqal.

Xildhibaanada labada aqal ayaana sharciga doorashooyinka marka ay soo akhristaan kadib ka yeelan doona dood, waxaana xiligaas kadib la filayaa in Xildhibaanada labada aqal in ay sharcigaan meel mariyaan ama diidaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sweden oo tallaabooyin hor leh qaadeysa kaddib weerarkii dadka badan lagu dilay

Cabdi Cade

Mareykanka oo Qirtay in Duqeymo ay ka fuliyeen dalal Soomaaliya ku jirto Shacab lagu dhibaateeyay

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo bur bur qarka u saaran

Cabdi Cade
Taboola Ads ---