Allbanaadir.com
NEWS

Maraykanka oo shacabkiisa ka soo celinaya Malaayiin Ukumo ah & Sababta ka dambeysa

Mareykanka ayaa amar ku bixiyay in dib loo celiyo 200 Milyan oo Ukun ah ka dib markii la ogaaday inay ku jirto Bakteeriyada Salmonella oo keenta xanuuno jirka ku dhaca.

Dad ka badan 20 ruux oo cudurkan ka qaaday Ukunta ayaa la arkay ka dib baaritaan lagu sameeyey, waxaana laga dalbaday gudaha Mareykanka dadka iibsaday Ukuntaas inay dib ugu celiyaan Dukaamada ay ka iibsadeen.

Ukuntaas waxaa ilaa hadda lagu iibiyay Suuqyada Gobollada kala ah Colorado, Florida, New Jersey, New York, North Carolina, Pennsylvania, South Carolina, Virginia,  iyo  West Virginia ee dalka Mareykanka.

Hay’adda fay-dhowrka iyo bad qabka Cuntada Mareykanka ayaa dadka iibsaday ku amartay in ay dib ugu celiyaan Dukaamada iyagoo ka dibna  lacagtii ay ku iibsadeen loo celinayo.

Bakteeriyadan ayaa sababta qandho qofka heyneysa 5-7 maalmood iyadoo inta badan aan loo dhiman hayeeshee xanuun badan leh sida ay sheegeen dhaqaatiirta ku taqasusay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gaadiidka ciidamada AMISOM oo jiiray Mooto bajaaj, ka dibna ka cararay

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Khayre & dhiggiisa Ethiopia oo kulan ku yeeshay Addis ababa (Sawirro)

Caydiid Ali

Daalibaan oo gudaha u gashay Kabul iyo Kala Carar xoogan oo magaaladaasi ka bilowday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---