Allbanaadir.com
NEWS

Doorashadii ka socotay Dhuusamareeb oo la soo gebagebeeyey & Musharax ku guuleystay (Daawo Sawirro)

Doorashadda kursi ka banaanaa Golaha Shacabka ayaa goor dhow lagu soo gebagebeeyey Magaalada Dhuusamareeb, xarunta Maamulka Galmudug.

Kursigan ayaa waxaa ku tartamay labo musharax oo kala ahaa Maxamed Cilmi Afrax (Mideeye) oo ahaa nin la shaqeeya heyadaha samafalka ee gobolada dhexe iyo Cabdullaahi Faarax Wehliye oo ah wasiiru dowlaha arrimaha gudaha ee Xukuumada federaalka Somalia.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay in doorashada kursigii uu ka geeriyooday ALLAHA u naxariistee Bootaan Ciise Caalin uu ku guuleystay Cabdulahi Faarax Weheliye oo helay  28 cod, halka Musharax kale Maxamed Cilmi Afrax Mideeye uu helay 17 cod,, iyadoo musharaxa 3aad oo ahaa Cabdulle Faarax Xirsi uu helay 3 cod, waxaana xumaaday 3 cod.

Doorashaddan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb oo dhowaan loo raray caasimada Galmudug, iyadoo inta badan doorashooyinkii ay ku soo baxeen xildhibaanada federaalka ugu jira maamulkan lagu qabtay degmada Cadaado oo aheyd xarunta KMG ah ee Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

War Deg Deg Ah :Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo si kulul uga hadlay Go’aankii Maxkamada gobolka Banaadir

admin

Sacuudiga oo $13 million oo dollar ugu deeqday Soomaaliya iyo waxa lagu qabanayo oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Nin Baahiyay Muuqaalada Weerarkii Masaajida New Zealand oo xukun lagu riday (Sawirro)

Cabdi Cade