Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Ciidamo Kenyan ah oo garab siinaya Jubbaland oo lasoo dhoobay Xadka gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya degmada Ceel Waaq ee goobolka Gedo ayaa sheegaya in xadka Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan gaar ahaan dhinaca Ceel Waaq lasoo dhoobay ciidamo badan oo katirsan milatariga Kenya.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka oo aad u badan iyo hub kale oo culus ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu arkayay xadka degmada Ceel Waaq, waxa ayna ciidankan sameenayeen dhaq dhaqaaqyo aan hore looga baran.

Dadka ku dhaqan degmada Ceel Waaq ayaa dareemaya cabsi xoogan ay ka qabaan ciidamada Kenya ee xadka lasoo dhoobay, waxa ayna ciidankan ka badan yihiin kuwii horey halkaasi loogu arki jiray.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamadan garab siinayaan maamulka Jubbaland gaar ahaan Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo loo diiday in uu galo degmooyin katirsan gobolka Gedo.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa lasoo sheegayaa in uu joogo degmada Mandheera kadib markii loo diiday in uu soo galo degmooyinka gobolka, waxa uuna ku eedeeyay dowlada Soomaaliya in dhibaato ka wado gobolka Gedo.

Lama oga garabka ay xiligan ciidanka Kenya siin karaan maamulka Jubbaland ee laga diidan yahay gobolka Gedo, waxaana gobolkaasi jooga ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo iyana taageeraya ciidamada dowlada ee halkaasi jooga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Riyadii Abiy Axmed ee Geeska Afrika ma Xoog iyo Dhiig daatay ayey ku dambeesay !!

Cabdi Cade

Israel oo duqeyn ku dishay hogaamiye sare oo ka tirsan Kooxda Xisbullah

Caydiid Ali

Shir ka furmaya Sacuudiga oo la qaadacay & sumcada Max’ed bin Salman oo dhulka gashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---