Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamad ku taalla Magaalada Hargeysa oo xukun adag ku riday Abwaanad Naciimo Qorane

Maxkamada Magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa saaka xukun saddex sano oo xabsi ah ku riday Naciimo Abwaan Qorane oo ah haweeney ka soo jeeda Somaliland oo dhowaan booqasho ku timid magaalada Muqdisho, lana xiray markii ay ku laabatay Hargeysa.

Naciimo Abwaan Qorane ayaa ah Gabar Baraha Bulshada wax ku qorta, waxay Muqdisho kaga qeyb gashey barnaamij ay qabaneysay warbaahinta TEDx.

Haweeneysan ayaa loo heystaa Qoraal la sheegay iney soo dhigtay barteeda Facebook-ga intii ay joogtay magaalada Muqdisho kaasoo ay ku taageereysay midnimada Somalia.

Waxaa lagu eedeeyey iney gashay dembiyo ay ka mid yihiin: Hawlo Qaranka Somaliland ka dhan ah oo ay u aaday dalka dibediisa, kaasoo ku xusan Qodobka 212aad ee Xeerka Ciqaabta iyo Ceebeyn Qaranka Somaliland oo ku xusan Qodobka 219 ee Xeerka Ciqaabta.

Waxaa xukunkan cambaareeyey xarunta xuquuqal insaanka Hargaysa oo ku tilmaantay iney yahay mid ka hor imanaya xorriyadda hadalka, iyadoo guddoomiyaha xaruntan Guuleed Axmed Jaamac uu xukunkan ku tilmaamay mid cuburin ah.

”Waxa kaliya ee lagu heysta waa qoraal ay ku soo bandhigtay rayigeeda oo ku qortey barta Facebook-ga, waxaan aaminsan nahay in haweeneydaasi ay cabirtay rayigeeda, xaqna ay u leedahay”. ayuu yiri Guuleed Axmed Jaamac.

Maamulka Somaliland ayaa iyo had iyo jeer caburin iyo xarig kula kaca qaar ka mid ah dadka ka soo jeeda maamulkaas ee u soo safra Magaalada Muqdisho iyo dadka fekerkooda ku muujiya iney taageersan yihiin midnimada Somalia, arintaasoo xad gudub ku ah xoriyatul qowlka iyo dimoqraadiyada uu sheegto Maamulkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Ahmed Iman Ali (Abu Zinara) lagu dilay duqeyn ka dhacday Bu’aale?

Caydiid Ali

Siyaasi caan ah oo xilkiisa ku waayey Muuqaal isagoo dabaalanayo la baahiyay

Cabdi Cade

Maxkamad maanta lasoo taagay Ugaas Aadan Maxamed oo dambi culus loo heesto (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---