Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dayuurad rakaab ah oo ku burburtay Magaalada Goma & dad badan oo ku dhintay (Sawirro)

Dayuurad rakaab ah ayaa ku burburtay magaalada Goma ee ku taalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, waxaana ku dhintay 24 qof.

Diyaaradda burburtay oo nooceedu ahaa Dornier 228 waxaa leh shirkadda diyaaradaha rakaabka ee Busy Bee, waxayna xilligaasi ku socotay Beni oo 350km u jirta magaalada ay ka soo duushay.

Waxaa saarnaa 17 qof oo rakaab 2 qof shaqaalaha diyaaradda, waxaana la sheegay inay dhammaantood ku dhinteen, waxaana sidoo kale shilkan ku naf waayey shan qof oo ku sugnaa goobta ay ku burburtay.

Diyaaradda oo ku dul dhacday dhismayaal ay dad dagganaayeen ayaa sida oo kale waxyeello u geysatay dad guriyahaasi ku sugnaa.

Maamulaha gobolka Kivu ee waqooyiga dalka DRC Nzanzu Kasivita wuxuu sheegay diyaaradda marka ay garoonka caalamiga ee magaalada ay ka duushay waxyar kaddibba la waayey.

Warbaahinta maxalligana waxay sheegeen in dad ku sugnaa halka ay diyaaradda ku burburtay dadka ay waxyeellada soo gaartay ay ka mid yihiin.

Shilalka diyaaradaha ee ka dhaca DRC ayaa la sheegaa iney yihiin kuwa marar badan dhaca iyada oo shilalka loo sababeeyo badqabka diyaaradaha oo aad u liito iyo diyaaradaha oo aan dayactir taya leh loo sameyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Imaaraadka iyo Sacuudiga oo si weyn uga carooday Hadal kasoo yeeray Wasiir George Kordahi

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in ciidamada dowlada ay ruqsad la’aan weerareen hoyga C/raxmaan C/shakuur?

Caydiid Ali

DF oo shaacisay howlgal lagu laayay Xubno badan oo ka tirsan Al Shabaab laguna burburiyay..

Cabdi Cade