Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Ciidamada PSF oo sameeyey howlgalo ka dhan ah kooxda Daacish (Sawirro)

Ciidanka Amniga Puntland ee loo yaqaano (PSF) ayaa sheegay in maanta oo taariikhdu tahay 24 November 2019, hawlgalo ka dhan ah kooxda Daacish ka sameeyeen buuraleyda degaanada Gol-cadaabeed iyo Moqor ee Buuraha Cal Miskaat.

“Hawlgalkani waxaa uu qayb ka yahay hawlgallo joogto ah oo ay muddooyinkan dambe ciidanka PSF ka wadeen buuraleydaas si looga sifeeyo degaanadaas kooxaha argagixisada ah ee damacoodu yahay gumaadka iyo waxyeelaynta shacabka reer Puntland” ayaa lagu qoraal ay soo saareen ciidanka PSF.

Laguma sheegin qoraalka waxyaabaha ay ciidamadu ku soo qabteen howlgalkooda iyo haddii ay jiraan wax iska horimaadyo ah oo dhexmaray ciidamada amaanka iyo dagaalyahanada Daacish.

Puntland ayaa dagaal adag kula jirta dagaalyahano ka kala tirsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo ku sugan buuraleyda Galgala iyo Cal miskaat ee gobolka Bari, kuwaasoo mararka qaarkood soo qaada weeraro kala gedisan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Xog) Villa Somalia iyo Axmed Madoobe oo isku haya hal arrin oo xasaasi ah

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Khayre iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Gaaray dalka Qatar (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Suuqa Casriga ah ee Hayat Market oo laga furay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---