Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dad Soddon ka badan oo ku dhintay musiibo ka dhacday dalka Kenya (Sawirro)

Dad ka badan soddon qof ayaa ku dhintay dhul go’ ka dhashay cimilo aad u xun oo saameysay degaanka West Pokot ee galbeedka Kenya.

Todoba carruur ah ayaa ka mid ah maydadka dadka ilaa iyo haatan la soo helay.

Dhul go’a oo uu saameeyay tuulooyinka Nyarkulian iyo Parua, ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay roob mahiigaan ah oo halkaas ka da’ay.

Saraakiisha ayaa sheegay in daadadku ay jareen waddooyinka gala tuulooyinkaas, ugu yaraanna hal buundo ayaa lagu soo warramayaa inay burburtay.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa bayaan uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu “tacsi tiiraanyo leh” u dirayo ehalada iyo saaxiibbada dhibanayaasha.

Waxaa socda gurmad ay wadaan ciidamada iyo heyadda laanqeyrta cas ee dalkaas si loo samata bixiyo dad badan oo halkaas ku dhibaateysan sida masuuliyiinta dowladu sheegeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khilaaf soo kala dhex galay Maxkamada sare & tan Racfaanka G/Banaadir (Qoraalo isburinaya)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo bogaadiyay Shaqo Adag oo laga qabtay Gobolka Mudug (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada Ahlu sunna oo ka baxay qeybo ka mid ah Dhuusamareeb & Shiikh Shaakir oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---