Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Caan ah oo ka hadlay Dilkii Almas Elman loogu geestay Muqdisho

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay dilkii dhawaan gudaha xarunta Xalane ee Muqdisho loogu geestay Almaas Elman Cali oo u shaqeeneysay Midowga Yurub horeyna uga soo shaqeesay Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya.

Qoraal uu soo saaray Madaxweynaha dalka Jabuuti ayuu uga tacsiyadeeyay Geerida Almaas Elman madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,dhamaan Qoyskeeda iyo Shacabka Soomaaliyeed oo ay ka baxday.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in Marxuumad almaas Elman Ali ay ahayd Iftiin u soo baxayay ummadda iyo Qaranka Soomaaliyeed,islamarkaana lahayd mustaqbal wanaagsan,wuxuuna hadalkiisa raaciyay inuu ka naxay geerida Elmaas markii uu maqlay.

Almaas Elman Cali ayaa 20-kii bishan xabad aan wali la shaacin halka ay ka timid waxa ay ku dishay gudaha xarunta Xalane xili ay dooneysay in ay ka dhoofto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Prof Buubaa “Dhibaatooyinkii Somaliland soo Maray oo dhan mid xoog cidi ku xalisay Ma Jirin Wada Hadal …

admin

Maxaa ka jira in Madaxweyne Farmaajo diiday inuu qaabilo qoyska Ikraan Tahliil?

Caydiid Ali

Wasiirkii Xilka wareejiyey ee Maaliyadda Somalia oo War cusub soo saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---