Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qaraxyo goor dhow ka dhacay isgoys Mashquul badan oo ku yaalla Muqdisho (Sawirro)

Qaraxyo ayaa goor dhow abaarihii 12:20 duhurnimo ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada isku xirta labada isgoys ee Banaadir iyo Zoope gaar ahaan agagaarka hotelka Safari.

Qaraxyada oo labo ahaa ayey wararku sheegayaan in kan hore uu ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah oo loogu talo galay in lagu qaarajiyo qofka iska leh, waxaana isla goobta daqiiqado ka dib qarax kale

Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaariga qaraxa lagu soo xiray uu dab xoog leh qabsaday qaraxa ka dib, waxaana goobta gaaray ciidamada amaanka iyo gaadiidka dab demiska.

Laamaha amaanka dowlada Ayaan weli ka hadlin qaraxyadan oo ku soo beegmay xili bilihii ugu dambeeyey ay magaalada Muqdisho ka nasatay noocyada kala duwan ee qaraxyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya oo codsi muhiim ah hor-dhigtay shir Madaxeedka Jaamacada Carabta

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shirkii madaxda DF & Dowlad goboleedyada (Sawirro)

Caydiid Ali

Gaadiidkii QM ee lagu xanibay Cadaado oo baaritaan lagu bilaabay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---