Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Natiijooyin hordhac ah oo laga helayo baaritaanka xabadii dishay Elmas Elman

Waxaa soo baxaya natiijooyin hordhac ah oo ku saabsan halka ay ka timid xabadii maalmo ka hor dishay Elmaas Elman xili gaari ay la socotay uu dhexmarayey xarunta taliska ciidamada AMISOM ee Xalane.

Elmaas oo ay walaalo ahaayeen Ilwad Elman, oo ah gabar u ololeysa nabadda ayaa la sheegay inay la shaqeyneysay xafiiska xiriirka iyo isgaarsiinta ee Midwga Yurub, iyadoo horeyna uga soo shaqeysay safaarada Soomaaliya ee Nairobi.

Xabada ku dhacday Elmas oo aan shanqarteeda laga maqal aaga Xalane ayaa la sheegay inuu nooceedu ahaa 12.7 mm oo ah kuwa ka dhaca qoryaha culus ee Soomaalidu u taqaano dhashiikaha oo lagu xiro gaadiidka dagaalka.

Sida laga soo xigtay diblomaasiyiin ka tirsan safaarada Maraykanu ku leeyahay Somalia Almaas Elman waxa loo badinayaa inay sababsatay xabado ay soo rideen ciidamada dowlada Federalka oo waqtigaas ku dagaalamayay nawaaxiga Ex-control Afgooye iyo Asluubta.

Waxaa kale oo la xaqiijiyey iney jirto rasaas kale goobtaas ku soo dhacday waqtiga ay gabadhu dhimatay. Dhowr xabadood ayaa la sheegay iney qabsadeen dhismeyaal iyo gawaari ku jirtay xirada shirkada SKA oo aad ugu dhoweyd meesha ay rasaastu ku haleeshay Almaas Elman allah u naxariistee.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamanka Somalia, horeyna u soo noqday taliyaha NISA ayaa isna sheegay in rasaasta dishay marxuumada ay magaalada Muqdisho ku heystaan oo kaliya ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Taliska ciidanka midowga Afrika ee AMISOM ayaa war uu soo saaray saaka ku sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidanka amaanka uu kala shaqeyn doono baaritaan buuxa oo lagu sameeyo dilkii 20-kii bishaan loo geystay marxuumad Elmaas Elman Ali.

Baaritaanka ku socda cida ka dambeysay dilka Elmaas ee ay wadaan dowlada Somalia iyo AMISOM oo kaashanaya khubaro caalami ah ayaa la filayaa in Natiijada kama dambeysta ah laga soo saaro dhowaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Julian Assange oo dib ugu laabtay dalkiisa hooyo isaga oo faraxsan sidoo kale xor ah

Cabdi Cade

Guri ku yaalla Muqdisho oo laga soo qabtay rag la sheegay iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab

Caydiid Ali

Somaliland oo shaacisay in Ciqaab xun Muqdisho lagu marsiinayo Shan nin oo ku eedeysan dilkii…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---