Allbanaadir.com
NEWS

Laami isku xira Isgoosyo Muhiim ah oo dib loo dhisay xarigana laga jaray (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Muqdisho mudane Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha laamiga isku isku xira isgoosyada Cali Kamiin iyo Ifka Xalane ee degmada Warta Nabada .

Wadadani ayaa kamid ah wadooyinka hal bowlaha u ah isku socodka gaadiidka iyo bulshada waxeyna hormartaa Tuulada ciyaaraha ee Stadium Muqdisho, waxeyna wadadani kamid tahay wadooyinka uu saameeyay burburkii dalka ka dhacay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu kula dardaarmay bulshada reer Muqdisho in ay ilaashadaan bilicda Caasimadda islamarkaana ay door ka qaatan dib udhiskiisa.

Wadooyin badan oo kuyaala magaalada Muqdisho ayaa lagu sameeyay dib u dhis balaaran, inkastoo ay jiraan wadooyin badan oo wali bur bursan iyo qaar kale oo dib loo dhisay hadana mar kale biyaha roobka bur buriyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo War ka soo saartay shil dayuuradeed oo saaka ka dhacay degmada Ceel barde

Caydiid Ali

Televishinka Al-Jazeera oo baahiyey in maydka Jamaal Khaashoqji lagu gubay foorrno ku dhextaala guriga qunsulka !! (Daawo Vedio)

admin

Wasiir Fiqi oo gaaray Kampala & Xog ku aadan ujeedka safarkiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---