Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo Dugsiga Tababarka Booliska Jenaraal Kaahiye kaga qeyb galay shir ku saabsanaa xoojinta wada shaqeynta Maamulka Gobolka iyo Hay’adaha Ammaanka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dib-u-habeyn lagu sameeyo amniga waddooyinka iyo gaadiidka.
Guddoomiyaha ayaa kala hadlay saraakiisha Booliska sidii looga hortagi lahaa gaadiidka sumad la’aanta ah (taariko la’aanta) ee adeegsado waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoona arrinkan laga soo saaray awaamiir cad oo tilmaamaysa in gabi ahaanba magaalada lagu dhex wadan karin gaadiidka aan taarikada lahayn.
Guddoomiyaha Gobolka ayaa ka codsaday masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Dawlad dhexe in ay u hoggaan sanaadaan awaamirta wada jirka ah ee lagu hubinayo gaadiidka, taas oo lagaga hortagayo falalka amni darrada ah.
“Laamaha kala duwan ee Boolisku waxa ay ka shaqeeynayaan waa ilaalinta amniga iyo xasilloonida dalka, sidaas darteed waxaa waajib ina ku ah in aan garab istaagno, una hoggaansanno soo joodeedintooda iyo awaamirtooda.”
Eng.Yarisow waxa uu ugu baaqay bulshada Gobolka Benaadir in ay dardar geliyaan wada shaqeynta iyo xiriirka joogtada ah ee ay la leeyihiin laamaha ammaanka, taas oo kaalin muhiim ah ka qaadata dadaallada joogtada ah ee lagaga hortagayo falalka ay argagixisadu u maleegayaan shacabka.
Kulanka Waxaa Guddoomiyaha Gobolka kala qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Federaalka Soomaaliya Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad iyo saraakiil ka socotay hoggaanada kala duwan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com