Allbanaadir.com
NEWS

Duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday Gobolka Shabeekaha Hoose (Daawo Sawirada)

Diyaaradaha dagaalka Dowlada Mareykankla ayaa xalay saqdii Dhaxe Duqeyn la beegsaday Deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana deegaankan maamula dagaalyahanada Al Sabaab.

Duqeyntan ayaa lala eegtay Gaari Caasi ah oo la sheegay in ay saarnaayeen Qudaar sidoo kale lagu qarinayay waxyaabaha qarxa, mana jirin cid la joogtay gaarigan xiliga gantaalka ku dhacayay.

Dadka Deegaanka Mubaarak ayaa Warbaahinta u sheegay in ay maqleen guux diyaaradeed kadibna maqleen dhawaqa gantaal culus, waxa ayna sheegeen in gantaalka lala helay Gaari Caasi ah oo qudaar ku rarneyd.

Lama sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay duqeyntan ka dhacday gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana duqeynta uu bur buriyay gaariga caasiga ah ee la sheegay in waxyaabaha qarxa lagu qarinayay.

Diyaaradaha dagaalka dowlada Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay la beegsanayaan deegaanada Al Shabaab maamulaan, waxaana duqeynaha qaarkood khasaaro kasoo gaareen dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kalluun aad loo jecel yahay oo digniin culus laga soo saaray isticmaalkiisa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir taageerada dowlada federaalka owgeed maanta isku casilay !!

Cabdi Cade

Wasiir Fiqi oo kulan arrimo muhiim ah looga hadlay la qaatay Marina Walter

Cabdi Cade
Taboola Ads ---