Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Kooxda Taliban oo muddo dheer ka dib sii deysay Kevin King iyo Timothy Weeks

Taliban ayaa sii deysay la haystayaal reer galbeed ah oo muddo dheer ay heysteen, iyagoo fulinaya heshiis ku aaddan maxaabiis is-weydaarsi, waxana dhankooda ay filayaan in loo soo daayo seddex ka mid ah saraakiishooda sar sare.

Ilo wareedyo ku dhow kooxdaasi ayaa sheegey in dadka ay sii deysay Taliban ay kala yihiin Kevin King oo Mareykan ah iyo Timothy Weeks oo Australian ah, kuwaas oo xurriyaddooda loogu soo celiyay gobolka koonfurta ku yaalla ee Zabul.

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa ku dhawaaqay isbuucii la soo dhaafay qorshaha maxaabiis is dhaafsiga, si ay arrintaasi u fududeyso wada hadallo toos ah oo lala yeesho kooxda Taliban.

King iyo Weeks oo labaduba ah macallimiin wax ka dhiga jaamacadda American University ee Kabul ayaa la qafaashay bishii August ee sanadkii 2016, xilli ay ku sugnaayeen bannaanka xarrunta jaamacadda.

Sii deynta labadaasi xubnood ayaa timid saacado un ka dib markii seddex sarkaal oo Talibaan ka tirsan loo duuliyay dalka Qatar, arrintaasi oo qeyb ka ah heshiis maxaabiis is dhaafsi ah.

Seddexda sarkaal ee loo duuliyay Qatar ayaa waxay kala yihiin Anas Xaqani, Haji Mali Khan iyo Xafiz Rashid, kuwaas oo dowladda Afghanistan ay soo xirtay sanadkii 2014.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qalab ay aad ugu bogeen una Iibsadeen Lamaanayaal kala fog fog oo lasoo saaray

Cabdi Cade

Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha dibeda oo su’aalo laga weydiiyey khilaafka Somalia & Itoobiya

Caydiid Ali

Guddiga Doorashada Somaliland oo Shaaciyay in xilligan Doorasho qaban karin muddo cusubna..

Cabdi Cade
Taboola Ads ---