Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo sheegtay in ay dileen masuul katirsan Wasaarada Gaashaandhiga

Warbaahinta Al Shabaab ayaa sheegtay in dagaalyahano hubeesan ay xalay xaafad katirsan degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir ku dileen masuul ay sheegeen in uu katirsanaa Wasaarada Gaashanadhiga Soomaaliya.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in xoogag hubeesan ay toogteenĀ Cumar Axmed Cumar Jinool, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in ninkan uu kamid ahaa xoghayaasha Wasaarada gaashaandhiga.

Kooxdii ka dambeesay dilka ninkan ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, waxaana goobta dilku ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo howlgal kooban ka sameeyay .

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin warkan kasoo baxay Al Shabaab ee ku sheegeen in ay ku dileen masuul katirsan Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoorqoor oo Daah-furay Mashruuca cusub ee Barwaaqo (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Taliyihii ciidanka Somalilland ee gobolka Sool oo gacanta lagu dhigay

Caydiid Ali

Aadan Madoobe oo arrimo muhiim ah kala hadlay Wakiillo katirsan beesha Caalamka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---