Magaalada Zwolle ee waddanka Holland ayaa laga billaabay lugtii 3-aad olole lagu dhiiragalinayo sidii caruurta Soomaalida ee dalkan ku dhashay iyo kuwa ku barbaaray loo fahamsiin lahaa muhiimada ku hadalka afkooda hooyo.
Guddiga Jaaliyadda Soomaalida Zwolle iyo nawaaxigeeda ayaa ku soo dhoweeyey xarunta ay jaaliyadu maamusho C/kariin Maxamuud oo ah khabiir muddo ka badan 15 sanno ka soo shaqeynayay howlaha isdhexgalka, baraarujinta iyo kor u qaadista wacyiga mushtamaca Soomaalida ee ku dhaqan dalka Holland.
Guddoomiyaha Guddiga jaaliyadda Axmed Hayaan, oo ka hadlay furitaanka kulanka maanta, wuxuu daboolka ka qaaday howlaha guddigoodu u qabtaan Soomaalida ku dhaqan Zwolle iyo nawaaxigeeda [Zwolle en omgeving], isaga oo tilmaamay in guddigoodu maamulaan goobo Soomaalida wax ku bartaan iyo goobo ay ku cibaadeystaan, isaga oo hoosta ka xariiqay baahida ay guud ahaa Soomaalida gaar ahaan jaaliyadoodu u qabaan in hoos laga soo billaabo dhiiragelinta ku hadalka Af-Soomaaliga.
“Waxaa ALLE mahadiis ah, in muddo dhowr iyo 10 sanno ah xaruntan laga caawiyo caruur Soomaali ah, waxaan ka caawinaa caruurta casharada iskuulka sida; [huiswerkbegeleiding], sidoo kale, waxaa lagu baraa qur’aanka iyo tarbiyadda, waxaa maalintaas xarunta ka howlgala dad ka badan 10 qofood oo shaqooyin kala duwan qaabilsan” Ayuu yiri Guddoomiyaha guddiga jaaliyadda Axmed Hayaan.
Axmed Hayaan, wuxuu mahad-celin ballaaran u jeediyey shaqsiyaad guddiga ka tirsan oo waqti badan geliya habsami u socodka howlaha guddiga, si gaar ah wuxuu ugu mahad-celiyey Cusmaan Abuukar oo la’aantiis aaney jaaliyadu hanaqaadeen, C/qaadir [Qaate] oo shaqo muhiim ah u haya jaaliyada iyo gabdhaha iyo wiilasha macalimiinta ah iyo cid kasta ee gacan ka gaysata socodsiinta howlaha jaaliyadda.
Axmed Hayaan, ayaa ku soo wareejiyey C/kariin Maxamuud iyo xubno socdaalkiisa ku wehliyey dhismaha xarunta, gaar ahaan qaybta wax loogu dhigo caruurta casharada iskuulka laga caawiyo, wuxuuna u mahadceliyey maamulka degmada “Gemeentehuis” oo ka caawiyey ardayda agabkii lagama maarmaanka u ah waxbarashada sida; [computers and laptops].
C/kariin Maxamuud oo madasha ka hadlay wuxuu ka sheekeeyey waxyaabihii isaga ku dhaliyey inuu qaato go’aankan uu caruurta Soomaalida kaga caawinayo barashada afkooda hooyo.
“Sannadkii 2012 ayaa billaabay inaan xil-weyn iska saaro diyaarinta manhaj ka caawinaya caruurta Soomaaliyeed ee dalkan ku dhashay ama ku barbaaray in ay bartaan luqadooda hooyo, jaaliyadu Zwolle oo ah tii 3-aad ee aan soo booqday, horay waxaan u soo maray jaaliyadaha Amsterdam iyo Haarlem” Ayuu yiri C/kariin Maxamuud, wuxuuna intaa ku daray in howshan aysan ciddina u dirsan balse damiirkiisu adeejiyey markii uu arkay sida ay u sii lib-dhayso luqadii hooyo iyo dhibaatooyinka dhanka isfahamka ah ee kala haysta waalidiinta iyo caruurtooda.
C/kariin, wuxuu tilmaamay inuu culeys ka jiro isfahamka dhinaca luqada ee waalidka iyo caruurta, sababtuna ay tahay haddii waalidku aysan luqada caruurtu ku hadlayaan si fiican u fahmayn in caruurtu u arkayaan waalidka in ay qaldan yihiin.
“Caruurtu marka ay arkaan in waalidku ay luqada jajabsanayaan, waxaa halkaas ka dhalanaya in caruurtu yasaan waalidka” Ayuu yiri C/kariin, wuxuuna u soo jeediyey waalidiinta in haddii aysan luqada caruurtu ku hadlayaan si fiican ugu hadli karin in ay Soomaali kula hadlaan.
C/kariin, wuxuu kale oo ka shanqariyey in caruurta Soomaalida aan iskuulada lagu barin luqad iyo maadooyin keliya, ee waxa ugu muhiimsan ee ay baranayaan ay tahay; dhaqan iyo sida dalkan looga nool yahay, taas oo falsafad ahaan ka duwan hab dhaqanka waalidiinta Soomaalida, si taasi xal loogu helo wuxuu u soo jeediyey waalidiinta in xilliga ay caruurta guriga joogaan lagula hadlo Soomaali.
“Waaya-aragnimadeydii intii yareyd ee aan caruur Soomaali ah wax u dhigayey, waxaan ku ogaaday caruurtu haddii luqadooda ku fiican yahay in luqadaha kalena ay u fududahay, cilmi baaris dalkan laga sameeyey waxaa la ogaaday in caruurta ku hadasha in ka badan 2 luqadood [tweetallig] in ay ka fursad fiican yihiin kuwa kale” Ayuu yiri C/kariin.
“Celcelis ahaan imisa saacadood ayaad wada joogtaan maalintii ilmahaaga marka laga reebo xilliga uu hurdo, iyo inta uu iskuulka ku maqan yahay ?” Ayuu su’aalay C/kariin waaldiinta, waxaanna ay jawaabtu noqotay. 4 ilaa 5 saac.
C/kariin, wuxuu u soo jeediyey waalidiinta in dhib kasta oo aad kala kulanto in caruurta mar ba eray Soomaali ah lagula hadlo.
“Anigu aabe ayaan ahay, caruurteyda subixii marka ugu horreeysa ee isheenu isku dhacdo, waxaan isku salaanaa “Subax wanaagsan” waxaan isku dayaa inaan kala baro dhammaan magacyada alaabta guriga taal, markii hore waa adkeyd, hadda aad ayaan isula qabsanay” Ayuu yiri C/kariin.