Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Axmed Madoobe oo bilaabay la xisaabtanka xubnaha Golihiisa Wasiirada (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta wasaaradda cadaaladda, garsooka iyo arrimaha diinta ka dhageystey warbixinta waxqabadka wasaarada ee sanadkan 2019.

Warbixintan sanadlaha oo dhamaan wasaarada Dowlad goboleedka Jubbaland kusoo bandhigayaan waxqabadkooda ayaa maanta lagu bilaabey wasaarada cadaaladda, garsoorka iyo arrimaha diinta taasoo ay kusoo bandhigeen wixii u qabsoomey sanadkan iyo caqabadaha jira ee loo baahanyahay in la xalliyo si loo hubiyo in adeega dowladu bulshada sidii loogu talagaley u gaarayo iyo inkale.

Wasaaradda ayaa ka warbixisay sida ay u daadajisay adeegyada loo wakishay ilaa degmo iyo deegaan.

Waxaa ay sheegtay in ay ku guuleysatay dhismaha maxkamdo iyo adeeg garsoor oo buuxa.

Hiigsiga dhaw ayeey shegeen in ay wax badan ka qaban doonaan hannaanka baahinta iyo ka warqabka adeega garsoorka.

Arintan ayaa qeyb ka ah qorshe uu madaxweyne Axmed Madoobe kula xisaabtamayo xubnaha golihiisa wasiirada wixii u qabsoomay muddo sanad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan iyo Amiirka Qatar oo Tababar usoo xuray saraakiil saddex Dal kasoo jeeda (Sawirro)

Cabdi Cade

Jadwalka Doorashada 10-kursi oo lagu dooranayo magaalada Garawe oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Beesha Gaaljecel oo soo bandhigtay ciidamo badan iyo gaadiid Dagaal (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---