Allbanaadir.com
NEWS

Jaamacada Carabta oo War kasoo saartay Heshiiskii Madaxda Soomaaliya iyo Kenya

Madaxweynayaasha dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo dhawaan kulamo ku yeeshay magaalada Nairobi ayaa ku heshiiyay in dib loo soo celiyo xiriirka labada dal sidoo kale Kenya ay qaado cadaadisyo badan ay soo kordhisay markii xiriirka labada dal xumaaday.

Ururka Jaamacada Carabta oo Soomaaliya xubin ka tahay ayaa soo dhaweeyay Heshiiska ay wada Gaareen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenytta.

Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacada Carabta ayaana soo dhaweeyay heshiiskan kuna tilmaamay mid loo baahnaa, waxa uuna bogaadiyay labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya oo heshiiskan wada gaaray.

“ Xoghaynta Ururka ayaa amaaney doorka hogaamineed ee ay ka ciyaareen Madaxweyne  Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru sidii loo gaari lahaa heshiiskan iyo talaabooyinka labada dhinac ay ka fulinayaan labada dal ee deriska ah.” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Jaamacada Carabta.

Heshiiska ay Nairobi ku gaareen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya waxaa horey usoo dhaweeyay Beesha Caalamka gaar ahaan wadamada sida weyn u daneeya arimaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay isbadalka siyaasadeed ee dalka Digniina kasoo saartay…

Cabdi Cade

(Akhriso) Wasaaradda Arrimaha Gudaha DF oo War ka soo saartay doorashada dalka

Caydiid Ali

Dooni Xamuul oo siday Gawaari badan oo nuuca Dunida ugu Qaalisan ah oo degtay . 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---