Allbanaadir.com
NEWS

Iska horimaad dhimasho Sababay uuna ku dhaawacmay Taliye ciidan oo ka dhacay Muqdisho

Degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir waxaa ka dhacay iska horimaad khasaaro geestay oo u dhaxeeyay Ciidamo katirsan booliiska gobolka Banaadir iyo ciidamo kale oo katirsan milatariga Soomaaliya.

Sida aan wararka ku heleyno iska horimaadka ayaa yimid kadib markii labada ciidan la sheegay in ay isku qabsadeen dhul kuyaala xaafada lagu magacaabo Bucbacoole oo katirsan degmada Hiliwaa.

Goobjooge ku sugan xaafada uu ka dhacay iska horimaadka ayaa Warbaahinta u sheegay in labo askari oo katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya lagu dilay iska horimaadka halka uu ku dhaaacmay taliyihii saldhiga booliiska Hiliwaa Cali Culusow Goobjooge.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaanan wali ka hadlin iska horimaadka khasaaraha geestay ee magaalada Muqdisho, mana ahan markii ugu horeesay ciidamada dowlada ku dagaalamaan is qab qabsi dhul iyo guryo la dhisayo salka ku haya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal ka tirsan Afrika oo la qiimeeyey inuu ka amni fiican yahay Maraykanka iyo Britain

Caydiid Ali

Kenya oo qiratay in askar badan looga laayey qarax ka dhacay xadka Somalia

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo diiday dalabyo ay hordhigeen Xildhibaanada Daarood

Caydiid Ali
Taboola Ads ---