Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada sare oo bilowday Dhageysiga Dacwadii Xisbiga Sheekh Shariif usoo Gudbiyeen

Waxaa maanta xarunta Maxkamada sare ee dalka ee magaalada Muqdisho ka bilaabatay dhageysiga dacwadii uu Xisbiga Himilo Qaran uu aas aasay Sheekh Shariif ka gudbiyeen Hay’ada duuliista Hawada Soomaaliya.

Xisbiga Himilo Qaran ayaana bishii hore Maxkanada sare ee dalka u gudbiyay Dacwad ka dhan ah xayiraadii lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed xili uu kusii jeeday magaalada Kismaayo.

Xarunta Maxkamada sare oo maanta dhageysiga dacwada ka bilaabatay waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Maxkamada sare Baashe Yuusuf Axmed , waxaa sidoo kale xarunta Maxkamada joogay xubno ka socday Wasaarada Gaadiidka iyo Xisbiga Himilo Qaran.

Gudoomiyaha Maxkamada sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa ku dhawaaqay in dhageysiga dacwada dib loo dhigay mudo 5-maalin ah kadib markii qareenadii Xisbiga Himilo Qaran ay dalbadeen in dib loogu dhigo.

Xisbiga Himilo Qaran ayaana Dacwadan u gudbiyay Maxkamada sare kadib xanibaadii lagu sameeyay Sheekh Shariif xili uu damacsanaa in Kismaayo u duulo inkastoo markii dambe Sheekh Shariif maalmo kadib loo fasaxay in uu Kismaayo aado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Maareeye oo ku goodiyey inuu ka baxayo dowladda federaalka Somalia

Caydiid Ali

Qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho oo saakay xiran iyo sababta keentay

Cabdi Cade

Mareykanka oo saakay qaaday Weeraro culus oo ka dhan ah xulufada Iran

Cabdi Cade
Taboola Ads ---