Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmaya Hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran iyo Raali galin …

Waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in kulan xasaasi ah yeelanayaan Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Hogaanka sare ee Madasha Xisbiyada Qaran .

Xildhibaan Cabadiqaadir Cosoble Cali oo katirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in uu socdo qaban qaabada kulan ay yeelanayaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran .

Waxa uu sheegay Xildhibaan Cosoble in ay rajeenayaan in Madaxweynaha Soomaaliya marka uu la kulmo hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran uu raali galin ka bixiyo dhibaatadii loo geestay madaxdii hore xiligii ay u safrayeen Baladweyne.

” Maalinkii uu madaxweyne Sheekh Shariif shirka qabtay ayuu Madaxweyne Farmaajo soo wacay, waxa uuna ka codsaday in ay kulmaan, Madaxweyne Shariif waxa uu u sheegay in uu madal xisbiyo matallo, uuna dib ugu laaban doono, haa way kulmi doonaan waxaana rajaynayaa in uu kulankaas mid sawir keli ah uusan ahaan ee madaxweynuhu uu raali-gelin ka bixiyo wixii loo gaystay madaxdii hore, xildhibaano qaran iyo shacabka la saranaa diyaarada safarkii beledwayne” ayuu yiri Xildhiibaan Cosoble.

Hadalka Xildhibaaka ayaa kusoo aadaya xili dhawaan Muqdisho ku kulmeen Sheekh Shariif oo Hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin, waxaan kulankaasi la sheegay in hor dhac u ahaa kulan dhax mara Farmaajo iyo Shariif .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Somalia oo ka qeyb galaysa shir caalami ah oo looga hadlayo shidaalka Africa

Caydiid Ali

Fiqi: “Qoorqoor wuxuu Muqdisho u yimid kala furfurka dadka diidan afgembiga Farmaajo”

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo maanta sameeyay Daah-fur, xarag-jar iyo Dhagax-dhig (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---