Allbanaadir.com
NEWS

Faah faahino kasoo baxaya dil xalay kooxo hubeesan u geesteen Gudoomiye Axmed Buulle

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa xalay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland waxa ay ku dileen Gudoomiyihii waaxda Via Afmadow ee Kismaayo Axmed Buulle.

Raga hubeesan ayaa rasaas badan huwiyay Gudoomiye waaxeedka, waxaana isbitaalka magaalada Kismaayo la geeyay Gudoomiyaha oo dhaawac culus qaba halkaas uu markii dambe ku geeriyooday.

Ciidamada booliiska maamulka Jubbaland ayaa howlgalo ka sameeyay xaafada uu dilku ka dhacay, ciidamada ayaana la sheegay in aysan gacanta kusoo dhigin kooxihii ka dambeeyay dilka masuulkan katirsanaa maamulka Kismaayo.

Amaanka magaalada Kismaayo ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay ahaa mid aad u wanaagsan, waxaana inta badan yaraa dilalka qorsheesan ee magaaladaasi loogu geesto dadka katirsan maamulka iyo sidoo kale shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Khasaaro xoogan gaarsiiyay dad isku aqoys ah oo ka dhacay magaalada Guriceel

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo & Gavin Williamson? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo Baaq Deg Deg ah kasoo saaray Xaalad Adag oo taagan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---