Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Dabley weerartay xarun ciidanka DF ku leeyihiin degmada Dayniile oo la qabtay

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya weerar xalay saqdii dhexe dabley hubeysan ay ku qaadeen xarun ciidamada dowladu ku leeyihiin degaanka Saqiiro oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Ciidamada xarunta ku sugnaa ayaa iska caabiyey dableyda weerarka soo qaaday oo ku hubeysnaa qoryaha darandooriga u dhaca ee loo yaqaano Ak-47, waxaana labada dhinac dhexmaray isla horimaad muddo kooban socday.

Ilo-wareedyo ku dhow maamulka degmada Dayniile ayaa allbanaadir u sheegay in la qabtay labo ka mid ah dableyda weerarka soo qaaday iyagoo dhaawac ah, iyagoo xusay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Nin oday ah oo ka tirsanaa shacabka degmada Dayniile ayey wararku sheegayaan inuu ku dhintay rasaas habow ah oo hoygiisa ugu tagtay, iyadoo askar ka tirsan ciidamada amaankana la xaqiijiyey iney dhaawacyo soo gaareen.

Lama oga illaa hadda in dableyda weerarka soo qaaday ay ahaayeen labada nin ee la qabtay iyo iney ka badnaayeen, Maamulka degmadana illaa hadda kama hadlin balse wararka ayaa sheegaya in maamulku uu ka hadli doono dhacdadan saacadaha soo socda, soona bandhigayo dableyda la qabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Cali Mareyxaan oo si weyn u dhibsaday Warar ay baahisay Idaacadda BBC-da

Cabdi Cade

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta meel mariyay Heshiis iyo Sharci muhiim ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo goor dhow dagaal kula wareegay qeybo ka mid ah degmada Balcad

Caydiid Ali
Taboola Ads ---