Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cumar Filish oo ka quustay furitaanka jidadka xiran (Intii la dhamaan lahaa hala dhibtoodo)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Max’uud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka hadlay halka uu ku dambeeyey balan-qaadkiisii ahaa inuu furayo jidadka xiran ee magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in uusan rabin in hal maalin waddooyinka ay sii xirnaadaan, balse uusan geligiis laheyn go’aanka lagu furayo.

“Dhibaato amni oo jirta ayey waddooyinka u xiran yihiin, madaxda dalkuna waxay go’aansadeen “inta la dhammaan lahaa hala dhibtoodo” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish oo la hadlayey jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika

Hey’addaha amniga iyo Madaxda sare ee dalka ayaa ka hor yimid qorshe Guddoomiye Cumar Filish markii la magacaabay uu ku doonayey inuu ku furo jidadka xiran ee magaalada Muqdisho sababo la xiriira amniga caasimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maadxweyne Cali Guudlaawe oo guddoomiyay Shir arrimo dhowr ah looga hadlay

Cabdi Cade

Ogow Caqabadaha hor taagan in Soomaaliya ay ku guuleysato xilka Madaxweynaha IPU

Cabdi Cade

Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab kala wareegay deegaano ay gacanta ku hayeen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---