Allbanaadir.com
MUUQAALONEWS

Maxaa Sababay in Ra’iisul Wasaare Khayre uu Summada Booliska Soomaaliya u haddiyeeyo Madasha Nabadda Paris?

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sanadkaan Faransiisak uga qeyb galay kulanka labaad ee Madasha Nabadda Paris oo la qabtay 11 ilaa 13-kii bishaan November.

Khayre ayaa Madasha guddoonsiiyay Summadda Booliska Soomaaliya, maadaama madashu ay sanadkan ka codsatay dhammaan madaxdii ka soo qeybgashay inay horay u soo qaataan summado dalalkooda lagu xasuusto oo ay meesha dhigaan.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa markii uu summadda Booliska Soomaaliya dhigayay matxafka madasha waxa uu sheegay in astaanta iyo summadda Booliska Qaranka Soomaaliya ay tahay astaan nabadeed, taasina ay tahay sababta uu u xushay, maadaama madasha la isugu yimidba ay tahay madal nabadeed.

Astaanta Booliiska ee la dhigay madxafka Madasha Nabadda Paris ayaa Soomaaliya lagu xasuusan doonaa, iyada oo ka qeyb galayaasha madashan oo sanad kasta ku dhow toban kun oo qof oo daafaha dunida iskaga imaanayo ay daawan doonaan.

Xulashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhiirri gelin u noqoneysa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo iyagu ah hooyada ciidamada iyo wehelka bulshada

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Badbaadada Hirshabeelle oo dhaliil xoogan u soo jeediyay Hogaanka Hirshabeelle!! (Halkaan ka Aqriso Warsaxaafadeedka lasoo saaray)

admin

(Akhriso) Jubbaland oo DF ku eedeysay iney arrimo halis ah ka wado gobolka Gedo

Caydiid Ali

Dowladda Denmark oo ka hadashay xiisada ka dhalatay Heshiiska Abiy iyo Muuse Biixi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---