Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Garoon labada Gool hortooda Geedo ka baxayaan iyo Sababta keentay !! (Daawo Sawirada)

Garoon Salax ama fuustal ah oo laga furay caasimada dalka Colombia ayaa soo jiitay indhaha Warbaahinta caalamka, kadib markii labada gool ee garoonkaasi ay kuyaalaa geedo waa weyn.

Salaxan oo dhawaan la dhisay ayaa soo jiitay Warbaahinta, waxaana lagu dheelaa garoonkaasi iyada oo goolasha ama shabaqa hortooda ay ku yaalaan geedo la diiday in halkaasi laga jaro.

Dood gaartay heer maxkamadeed ayaa ugu dambeyn lagu go’aamiyay in aan la jari karin geedaha kuyaala goobta garoonka laga dhisay, waxaana geedahan oo kahor baxaya labada gool kaliftay in halkaasi aan laga jarin.

Isku dayo badan oo lagu doonayay in geedahan garoonka looga jaro laguna talaalo goobo kale ayaa guul dareestay, waxaana la go’aamiyay in geedahaasi ay kuyaalaan goobtooda oo ah labada gool hortooda.

Ma ahan markii ugu horeeso ay indhaha Warbaahinta caalamka ay qabtaan garoomo ay geedo ka dhax baxayaan, sanadkii 2017-dii ayey aheyd markii garoon laga dhisay Shiinaha la diiday in la jaro geed ku dhax yaalay garoonka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa kasoo baxay Shirkii Taliyaasha Ciidamada Dowlada ku yeesheen Muqdisho ?

Cabdi Cade

DF: “Eedaysane Axmed Madoobe waa lagula Xisaabtamayaa weerarada Shacabka Jubbaland”

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo soo saaray baaq Caalami ah oo ku socda Waddamada caalamka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---