Allbanaadir.com
NEWS

Haweeney si kulul ula hadashay Ra’isul Wasaare Johnson iyo Sababta keentay !!(Sawirro)

Ra’iisul wasaaraha dalka Britain, Boris Johnson, ayaa booqasho ku tagay deegaano ay ka dhaceen fatahaadyo, si uu ugu soo kuur galo dhibaatada ka dhalatay fatahaadyadaasi iyo noloshada dadka ay dhibaatada kasoo gaartay.

Boris Johnson, ayaa la kulmay qaar kamid ah dadkii fatahaada saameynta ku yeelatay, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha dadkaasi ka wareestay noloshooda iyo sida ay dowlada ugu soo gurmatay.

Ra’isul Wasaaraha Britain ayaana hadalo kulul oo lama filaan ku noqday kala kulmay haweeney kunool deegaanada fatahaada ka dhaceen, waxa ayna haweeneysan iyada oon cabsan si kulul ula hadashay Ra’isul Wasaaraha xili uu wareesanayay.

Haweeneydan ayaa runta kala xishoon  Ra’isul Wasaaraha Britain, waxa ayna u sheegtay in aysan ku faraxsaneyn in xiligaasi la hadasho, waxa ayna ka codsatay in ay iska dhaqaaqdo si shaqadeeda u wadato.

”Kuma faraxsani in aan kula hadlo sidoo kale aan xiligan arko wajigaaga, haddii aadan ka xumaaneynin, waxaan sii wadanayaa shaqada aan haayo” ayey ku tiri haweeneydan Ra’isul Wasaare Boris Johnson.

Haweeneydan careesan ayaa Ra’iisul Wasaaraha Britain markii uu hadaladeeda dhageestay kadib weydiiyay inay jirto wax uu ku caawin karo, waxa ayna si lama filaan ah ugu  jawaabtay ” Waad soo daahday” wayna ka dhaqaaqday isaga oo taagan.

Warbaahinta dalka Britain ayaana aad u hadal haya sida kulul ay haweeneydan ula hadashay Ra’isul Wasaaraha, waxa ayna Warbaahinta sheegeen in carada dadkaasi ka keentay dhibaatada fatahaada iyo sida dowlada ugu guul dareesatay in ay wax ka qabato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka horumarinta iyo isku xirka Afrika (Sawirro)

Caydiid Ali

Gantaalo aan la ogeyn halka laga soo tuuray oo saakay lagu garaacay magaalada Erbil

Cabdi Cade

Madaxweyne Joe Biden oo laga helay cudur Halis ah iyo unugyo laga saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---