Allbanaadir.com
NEWS

Madaxwene Farmaajo oo tacsi ah u diray Ra’isul Wasaarihii hore ee Sooomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Raiisul Wasaarihii Hore ee Xukuumaddii Kumeelgaarka ahayd Mudane Cali Maxamed Geeddi uga tacsiyeeyey geeridii ku timid Alle ha u naxariistee hooyo Kutubeey Maxamuud Barroow.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu u rajeyey walaalkiis Raaiisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo dhammaan qoyska ay ka baxday marxuumaddu in uu Alle ka siiyo samir iyo iimaan, iyadana hooygeeda ka yeello Janatul Firdoows.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaa na soo gaaray warka murugada leh ee ku saabsan geerida ku timid Alle ha u naxariistee, hooyo Kutubeey Maxamuud Barroow. Waxaan si guud murugada ula qeybsanayaa qoyskii iyo ehelkii ay ka baxday, gaar ahaan walaalkeey Raiisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi.”

Madaxweynaha ayaa marxuumadda Alle u weydiiyey dambi dhaaf iyo in uu qabrigeeda uga dhigo beer janno, aakhirana kala yeelo safka shuhadada iyo addoomada Alle ee suubban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha Booliska DF oo xilka u wareejiyey Jen. Zakia & S/Guuto Cabdalla Cabdalla (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Madaxweyne Farmaajo oo Kampala kula kulmay Gaston Sindimwo

Cabdi Cade

Magaalooyin lagu noolaa boqolaal sano ka hor oo laga helay dhulka hoostiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---