Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland oo la geeyay Madaxtooyada Deni (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha  Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyadda  Puntland ee Garoowe ku qaabilay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland uu maanta doortay Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.

Madaxweynaha  Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka, wuxuuna illaahay uga baryey inuu u fududeeyo xilka loo igmaday.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo isna qaabilay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa ugu hambalyeeyay xilka loo doortay.

Gudoomiyaha cusub ee loo doortay Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa la sheegayaa in uu aad ugu dhaw yahay Madaxweynaha Puntland, waxa uuna Gudoomiyaha cusub horey uga soo shaqeeyay Madaxtooyada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiil ka tirsan Maxkamada ciidanka DF oo gaaray furumaha dagaalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Xiliga Xariga laga jarayo Tayaatarka Qaranka iyo Garoonka Cayaaraha Muqdisho oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Villa Somalia oo War cusub shaacisay & cabsi xooggan oo ka Jirta Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---