Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo saakay ka dhoofay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw ka dhoofay garoonka Aadan Cadde iyaga oo kusii jeeda  Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Farmaajo iyo Wafdiga la socda ayaa Sacuudiga uga qeyb galaya shir madaxeedka 29aad ee Wadamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta, waxaana shirkan qodobada looga hadlayo ku jira arimaha Soomaalia.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in shirkaasi ka jeediyo khudbad uu uga hadlayo arimaha Soomaaliya , waxaa sidoo kale la filayaa in marka shirka soo dhamaado kulamo la qaato qaar kamid ah Madaxda ka qeyb galeysa Shirkaasi.

Shirka Jaamacada Carabta ee ka furmaya Saciidiga ayaan la ogeyn in lagu soo hadal qaadi doono xiisada Siyaasadeed ee xiligan ka dhax aloosan Wadamada Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta.

Dowlada Soomaaliya ayaa horey ururka Jaamacada Carabta ugu gudbisay Dacwad ka dhan ah Dowlada Imaaraatka iyo Shirkada dalkaasi laga leeyahay ee DP World oo si sharci daro ah ula wareegtay dekaddo Soomaaliya kuyaala.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Ciidanka Danab oo gubay xarumo Al-Shabaab ku lahaayeen Sh/dhexe

Caydiid Ali

Haweeneyda ugu taajirsan Qaarada Afrika oo loo diiday Fiisaha dalka Mareykanka

Cabdi Cade

Gaari uu la socday Taliyihii hore ee heyadda NISA oo caawa lagu rasaaseeyey Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---