Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo Shaqada ka joojisay Labo Hay’ad Warbaahineed (Akhriso)

Qoraal maanta oo talaado ah kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa shaqadii ay dalka ka hayeen looga joojiyay labo Hay’ad Warbaahineed oo dalka ka howl gali jiray .

Wasaarada Warfaafinta ayaa shaqada ka joojisay labada hay’adood ee kala ah Media Link iyo Perspective Media, waxa ayna ku eedeesay Hay’adahan in ay raaci waayeen nidaamka ay Wasaaraddu u dejisay hay’adaha ka shaqeeya warbaahinta ee ku sugan gudaha Dalka.

Labada Hay’adood ee shaqada laga joojiyay ee  Media Link  iyo Perspective Media ayaa ka shaqeenayay dhinaca Warbaahinta, waxa ayna Hay’adahan xaruntooda weyn kutaalaa magaalada Nairobi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukun adag oo lagu riday nin Xaaskiisa ku hor dilay caruurteeda oo daawanaya

Caydiid Ali

Faahfaahin: Weerarkii Israel ku qaaday Yemen (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka dowladda oo soo bandhigay sargaal kasoo goostay kooxda Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---