Allbanaadir.com
NEWS

Ururka ONLF oo markii ugu horeesay Gudoomiye ku dhax doortay Gudaha Itoobiya

Ururka ONLF oo mudo badan dagaalo kula soo jiray dowlada Itoobiya ayaa markii ugu horeesay taariikhda shirweyne ay ku qabsadeen gudaha Itoobiya waxa ay ku doorteen Gudoomiye cusub.

Doorasho xalay ka dhacday magaalada Godey ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu doortay Gudoomiyaha cusub ee Ururka ONLF , waxaana codadka dhiibanayay xubnaha ururka oo meelo kala duwan isaga kala yimid.

Guddoomiyaha cusub ee Ururka ONLF ayaa loo doortay C/raxmaan Maxamed Sheekh Maadeey, oo helay codad gaaraya 340 cod, halka ninkii la tartamayay oo lagu magacaabo Axmed Yaasiin uu isna  helay 251 cod.

Ururka ONLF oo horey dagaal ugula jirtay xukuumadihii kala duwanaa ee Itoobiya ayaa heshiis la galay Xukuumada uu hogaamiyo Abiy Axmed, waxaana ururkan laga saaray Liiska argagaxiada iyagoona dhankooda iska dhigay hubka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Kenya oo fulisay qodob ka mid ah heshiiskii ay dhowaan la gaartay Somalia

Caydiid Ali

Yaxaas dad ku cunay xaafadaha webigu ku fatahay ee degmada Afgooye

Caydiid Ali

Mukhtaar Roobow oo gudoomiyey shir looga hadlay arrin muhiim ah & go’aan laga soo saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---