Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo iyo Wafdigii uu horkacayey oo lagu soo dhoweeyey Nairobi (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Nairobi ee dalka Kenya halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyey.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka Jomo Kentyatta kaga hor tagay masuuliyiin sare oo ka tirsan dowlada Kenya oo uu ka mid yahay Wasiirka Gaadiidka Kenya James Macharia iyo diblomaasiyiinta safaarada Soomaalida ee Nairobi iyo xubno kale.

Farmaajo ayaa magaalada Nairobi kaga qayb-gelaya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey.

Shirkan oo uu hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA) ayaa lagu jaangooynayaa qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa hordhac u sii ahaa diblumaasiyiin iyo khubaro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo la sii qaabeeyey dhiggooda dalalka ka qayb-gelaya shirweynahan qorsheyaasha lagu falanqaynayo, iyagoo gudbiyey qodobbada hortabinta u leh shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa tilmaamay muhiimadda uu dalkeenna u leeyahay shirkani maadaama Hay’adaha Qaramada Midoobey ay kaalin mug leh ku leeyihiin dib u kabashada iyo horumarinta dalkeenna.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Turkiga oo Shuruudo fulinteeda ay adag tahay ku xiray Sweden si ay NATO ugu biirto

Cabdi Cade

Madaxweyne Isaias Afwerki oo maanta imaanaya Muqdisho iyo amaanka oo la adkeeyay

Cabdi Cade

Mareykanka oo liiska argagxisada ku daray 26 xubnood oo Soomaali ah (Magacyada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---