Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxdii hore ee dalka oo la kulmay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif (Sawirro)

Wafdigii ay horkacayeen madaxdii hore ee dalka oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa hoygiisa ku booqday Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Wafdigan oo ay horkacayeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa kulan ay la qaateen Ugaas Xassan kala hadlay dhibaatooyinka ka jira gobolka gaar ahaan magaalada Beledweyne oo dhawaan ay ku dhuftay Fatahaadii ugu saameynta badneyd taariikhda

Waxyaabaha diirada lagu saaray kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa sidii loo dardargalin lahaa gargaarka la gaarsiinayo dadka ay saameynta adag ku yeelatay Fatahaadda ee u barakacay daafaha magaalada.

Ugaas Khaliif ayaa wafdiga warbixin ka siiyey xaalada magaalada Belad-weyne iyo saameynta ka dhalatay fatahaadaha, isagoo uga mahad celiyey booqashada ay ugu yimaadeen iyo kaalmada ay ugu talo galeen dadka reer Belad-weyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Africa oo dalbaday in ciidamada AMISOM aan xiligan laga saarin Somalia

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo xil cusub u magacaabay Aweys Cabdullaahi Cali 

Cabdi Cade

Maxkamada Schweinfurt oo la soo taagay haweeney Soomaali ah oo ilmaheeda dishay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---