Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Wafdi uu Hogaamin lahaa oo goordhaw ka baaqday safar ay…

Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw la filayay in ay ka duulaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyaga oo kusii jeeday  magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sida aan ku helnay war goordhaw soo baxay wafdiga Ra’isul Wasaaraha ayaa dib u dhac  ku yimid safarkooda kadib markii la sheegay in uu roob ka da’ay magaalada Baladweyne uuna saameyn ku yeeshay garoonka diyaaradaha Baladweyne

Kheyre iyo wafdigiisa ayaa magaalada Baladweyne u tagayay qiimeynta khasaaraha ka dhashay fatahaada wabiga Shabellee, waxaa sidoo kale lagu waday in ay u kuur galaan xaalada nololeed dadka ka barakacay fatahaada ee kunool duleedka Baladweyne.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shalay safar ku tagay magaalada Berdaale oo daadad ku fataheen, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha u kuur galay xaalada halkaasi ka jirtay gaar ahaan saameynta dadka ku yeesheen daadadka.

Waxii warar ah ee kusoo kordha Safarka Ra’isul Wasaaraha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo qaabilay Danjire Maxamed Ibraahim Yuusuf (Sawirro)

Cabdi Cade

Kenya oo Mucaaradka Itoobiya Uga Raadineysa Guddaha Soomaaliya Fariisimo Cusub

Cabdi Cade

Muwaadin Soomaali ah oo xalay lagu dilay Magaalada Durbanville (Magaciisa)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---