Allbanaadir.com
NEWS

Faah Faahino kasoo baxaya Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho 

Kooxo hubeesan ayaa barqanimadii saakay gudaha Suuqa Bakaaraha waxa ay ku dileen Nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu shaqeenayay mid kamid ah Shirakadaha Nadaafada ka shaqeysa ee Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in Wiilkan dhalinyarada ah lagu dilay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Bagaashka xili uu halkaasi ka aruurinayay lacago ay dhiibaan dadka qashinka laga qaado.

Kooxihii dilka ka dambeeyay ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad sugida ayaa goobtaasi ka sameeyya baaritaano aan lagu soo qaban kooxdii dilka geesatay.

Dilalka Qorsheesan ayaa u muuqda kuwa maalmahan kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana inta badam laamaha amaanka ka baxsada raga hubeesan ee dilalka fuliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Donald Trump oo sameeyay magacaabis xilal iyo dad badan oo la yaaban

Cabdi Cade

Shiinaha oo la sheegay in ay Doonayaan in Dayaxa xoog kula wareegaan

Cabdi Cade

Sargaal kasoo goostay Al Shabaab oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---