Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Khayre iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray degmada Berdaale

Ra’iisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre ayaa goor dhaweyd gaaray degmada Berdaale ee gobolka Bay halkaas oo ka mid ahy degaanada daadadku ku rogmadeen ka dib roobabkii da’ay.

Khayre ayaa waxaa ku wehliya safarka guddoomiyaha guddiga Qaran ee gurmadka Xamsa Saciid Xamsa iyo xubno kale.

Wasiir ku xigeenka gargaarka ayaa sheegay safarka Ra’iisul Wasaaraha ka hor sidoo kale dayuurado gargaar sida oo saaka loo diray Berdaale.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo saaka tegay Berdaale ayaa halkaas ku soo dhoweeyey raisul wasaaraha iyo xubnaha la socda.

La soco goor dhow warbixinta iyo sawirada booqashada Khayre ku tagay Berdaale

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Midowga Musharaxiinta oo War Saxaafadeed soo saaray (Halkan ka Akhriso_

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la siiyay tallooyin uu uga hortagi karo damaca guracan ee Itoobiya

Cabdi Cade

Natiijada Imtixaankii Dugsiyada Sare oo la shaaciyay (Halkan ka Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---