Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Puntland oo si adag uga hadashay Ciidamo la sheegay in dowlada ka qoraneyso Mudug

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay soo baxayay warar sheegayay in dowlada federaalka Soomaaliya ciidamo cusub ka qoraneyso Gobolka Mudug gaar ahaan Waqooyiga magalaada Gaalkacyo iyo deegaano kale .

Warkan oo si weyn loogu faafiyay baraha bulshada ayaa keentay in maamulka Puntland gaar ahaan gudoomiyaha maamulkaasi ugu magacaaban Gobolka Mudug ka hadlo arintan si weyna u beeniyo.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa been abuur ku tilmaamay warka sheegaya in dowlada federaalka si qarsoodi ah ciidamo uga qoraneyso gobolka Mudug dhinaca Puntland.

”Wararkan meelaha lasoo dhigay waa kuwa been abuur ah oon waxbo ka jirin , colaad Federaal iyo Federaal ku soo duulayna halkan kama jiro, warkan waxaa faafiyay qolyo lacag ku raadinaya” ayuu yiri Axmed Muuse.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland in wax xiriir ah aysan kala dhaxeyn dowlada federaalka maamulkiisa, waxa uuna xusay in ay hoostagaan maamulka Puntland ee xaruntiisu tahay Garawe.

“Annaga heer gobol xiriir lama lihin dowladda Federaalka ah, xiriir waxaan la leenahay dowladda aan ka tirsanahay, xiriirka Federaalkana waxaa leh xukuumadda sare ee ilaa heer madaxweyne ah” ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.

Warkan ayaa kusoo aadaya xili xiriir wanaagsan uusan ka dhaxeyn dowlada federaalka iyo maamulka Puntland, waxaana labada dhinac u dhaxeeya khilaaf siyaasadeed oo xalinteeda lagu guul dareestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Burcad hubeysan oo lagu qabtay xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Wasiir Maxamuud Xaaji Saalax oo is casilay iyo Sababta is casilaadiisa oo la ogaaday

Cabdi Cade

DF oo wada qorshe aan la mahdin doonin & Golaha wadatashiga oo lagu eedeeyey..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---