Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka gobolka Sh/hoose oo ka hadlay dilkii caawa loo geystay Cumar Carabey

Guddoominaya Gobolka Shabeellaha Hoose Ibaarim Aadan Najax ayaa xaqiijiyey inuu dhintay Guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada ee mamaulka gobolka Cumar Carabey.

Geerida masuulkan ayaa timid ka dib dhaawacyo culus oo ka soo gaaray bam gacmeed lagu tuuray hoygiisa oo ku yaalla degmada Afgooye, waxaana isagoo dhaawac ah la keenay Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho oo isla caawa uu ku geeriyooday.

“Waxaa uu ahaa masuul aad u firfircoon, isla markaana ka qeyb qaatay howlgalo badan oo laga fuliyay Shabeellaha Hoose” ayuu yiri gudoomiye Najax oo weerarkan ku eedeeyey Al-Shabaab, isagoo tacsi u diray qoyska iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuumka.

Inkastoo aysan jirin cid sheegatay weerarkan hadana waxaa la aaminsan yahay iney ka dambeysay kooxda Al-shabaab oo looga bartay weerarada noocan ah ee lagu dilo masuuliyiinta dowlada, ciidamada iyo dadka kale ee la shaqeeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii u dambeeyey dagaalka Boosaaso & Madaxweyne Deni oo ku gacan seyray..

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay kulan xalay ka dhacay Villa Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Carbeed oo saxiixay in xukun dil ah lagu fuliyo maxaabiis ka badan 340

Caydiid Ali
Taboola Ads ---